Saturday, November 14, 2009

Maxaa loo furay Faadumo..?!! Q1aad

Faadumo waxay ahayd Gabar Soomaaliyeed oo bartamihii 60-meeyadii, iyadoo garoob ah, gabarna wadata, degganayd, kuna noolayd magaalada Muqdisho.
Faadumo waxay hore u soo kala tageen, laba nin. Mid ina-adeerkeed ayuu ahaa, waxaana lagu magacaabi jiray Furdug. Kaas oo ay u soo dhashay Gabadhan la yiraahdo Fowzia. Waxay u soo kala tageen sababo la xiriiray xagga dhaqaalaha iyo fataalnimo ka imanaysay ninkaas darteed.

Furdug wuxuu ahaa nin wixii lacago ah ee gacantiisa ku soo dhaca, suuqa la sii gala, isaga un isku kooba, kuna tamashleeya xilli ay reerkiisu u baahan yihiin. Hore waxaa loo yiri:-"Rag waxaa u liita ma-tashade, ma-toshe iyo ma-tashiishe".

Ninka labaad ee hore u soo furay Faadumo, waxaa lagu magacaabi jiray Fanax. Muddo kooban oo keliya ayay is-qabeen. Waxay u soo kala tageen sabab la xiriirtay Maseyr; waayo wuxuu ninku ahaa nooca daba-gala hadba naagtii meel socotaba. Gurigii ay Garoob ama naag laga dhintay joogtaba qosolkiisaa ka yeerayay. Waxaa lagu xaman jiray 'waa naago la ciyaar'...!!.

Labadaas nin markii ay Faadumo isaga kala dambeeyeen, oo ay aragtay hab-dhaqankooda, ayay ka rajo-beeshay Nin oo dhan. Waxay go'aansatay in intii suuragal ah, inay is-adkeyso oo ayan ninba u dhowaan oo guursan. Inay gabadheeda Fowzia iska korsato ayay go'aan ku gaartay.

Faadumo ma ahayn qof aqoon leh, oo dugsiyada wax lagu barto soo dhigatay.Hase yeeshee waxay ahayd qof uu Ilaahey ugu yaboohay Garaad sare iyo Caqli badan, marka la barbar-dhigo Haweenkii ay isku deegaanka ,da'da iyo xilligaba ahaayeen.

Si ay nolosheeda iyo nolosha gabadheedaba u dabbarato waxay Faadumo bilowday dhaqdhaqaaq xagga Ganacsiga ah iyo shaqooyin kale oo xoogsi ahaa. Mar waxay ku shaqaysay adeegtanimo iyo inay guryaha dadka ladan ka jaariyadeyso. Halkaas lacagta Mushaarka ah mooyaane waxay kaloo ka heli jirtay dhacdhacyo xagga Raashinka ah.

Waxaa cajiib ahaa, oo derisyadii Faadumana aad u soo jiidan jiray habkii farsamada cunnooyinka ee Faadumo. Cunnooyin haraa ahaa oo ay ka keeni jirtay Reerihii ay u shaqaynaysay ayay inta ay dib u farsameyso oo naashnaashiso, haddana wax ka siin jirtay derisyadeeda. Kuwaas oo aad uga heli jiray cunnadaas, una ducayn jiray Faadumo.

Faadumo gabadheedii yarayd ee Fowzia, oo dugsi-quraan dhiganaysay, ayay haddana ku sii dartay dugsiga waxbarashada ee caadiga ah. Waxay hooyadu aad ugu dadaali jirtay Waxbarashada gabadheeda, si ay mustaqbalka iyadana isu anfacdo, waalidkeedna wax u tarto.

La soco qaybta 2-aad...

WD/Muxyadiin M.Kaalmoy

No comments:

Post a Comment